“Madaxweynaha Waxaan Weydiinayaa Goorta Sawirkayguna dambi noqday Kaaguna Xallaal”Guddoomiyaha KULMIYE

Hargeysa(Gudgudenews):-Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE :Muuse Biixi Cabdi ,ayaa Xukuumadda iyo Madaxweynaha Somaliland weydiiyay su,aal ku adag in Xukuumaddu ka jawaabto,taasoo ah xiliga uu sawirka  Muuse Biixi noqday dambi la isku xidho.

Waxaa kaloo uu  ka hadlay eedaymo dhinaca Xukuumada maalmihii u danbaysay uga iyo manaayey ku waasi oo ku saabsanaa in qaraxyada ka dhacayey magaalada Hargeysa tan iyo intii uu bilaabmay khilaafka Xisbiga KULMIYE,waxaana uu sheegay in uu aad uga xun yahay in Madaxweynaha afkiisa ay ka soo baxdo hadalo ku sheegayo in dad madaxtinimo dalka ka doonaya ay amaan darada laga wado gudaha magaalada Hargeysa ay ka danbeeyaan.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Muxafadka ah ee KULMIYE Muj:Muuuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu hadalkan ka shegay mar uu maanta shir jaraa’id uu shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Hargeysa,waxaana uu uu ugu horayn uu ka hadlay Kulamo ay isaga iyo garabkiisa la yeesheen Guddida Golaha Guurtida Somaliland ee ku jirta dhexdhexaadinta Khilaafka Xisbiga KULMIYE,waxaana uu yidhi isaga oo ka hadlaaya waxyaabaha ay ka wada hadleen:

 

“Maanta waxaa noo yeedhay guurtida,waxaa ay ahaayeen gudi aad u balaadhan oo aan isleeyahay Lix iyo Toban ayey gaadhayeen,waxaa joogay shir gudoonkii oo isku dhan iyo odayaashii waawaynaa ee Guurtida way noo goleeyeen nimankaasi waa ay na dhagaysteen,waxaanu kala hadalnay wixii jiray,waxaanan ka xunahay oo iyagana aanu u sheegnay,idinkana idiin sheegaynaa shacbigana u sheegaynaa in nasiib darro ay tahay oo aanu aad uga xunahay in xisbiga KULMIYE,in kulmiye oo ishaysta ay Guurti iyo shiciba ay u soo gurmadaan tu aanu filaynay maaha,waa tu aanu ka xunahay waxaannanu jecelnahay in aanu hore u dhamayno waa qodob,

Waa qodobka labaade aniga oo guddoomiye ah iyo raga ila socdaaba waxaanu arintaa ka taaganahay meel ah nabad galyo,wadahadal iyo is afgarad lagu dhameeyo,ma sidno ficil tan ma sidno erayo dhiif leh,ma sidno waxaa   la yeelay,waxaanu sidnaa Xuluul sida wax loo helo wax walba dhinaca san ayaanu ka eegnaa,Saaxiibadayada aanu wada shaqaynay ee aanu in badan soo wada halgamaynay halgan  hore iyo mid danbaba ee Madaxweynaha Axmed Siilaanyo ugu horreeyo aniga iima muuqato intii aanu is khilaafnay iyo intii aanu isnidhi xun anaga oo ah dadwada shaqeeya ah.waxaa noo muuqata oo ka badan oo ah intaanu guul wada gaadhnay inta aanu is afgarad gaadhnay ee aanu wax wada qabsanay horta anagu rayigaas ayaanu ka duulaynaa,Guurtida waxaanu u sheegnay oo aanaan imika halkan ka wada akhriyi karayn sidii ay noogu muuqatay waxa dhibaatada keenay oo ay kow ka tahay shirweynihii Xisbiga wixii uu go’aamo gaadhay oo aan lagu darin go’aamo aan jirin dhibta koowaad halkaas ayaa ay ka kacday dhibtaa waxaa ku xigay markii aan anigu idhi waxaan ahay murashax,dagaal cir iyo dhul ah ayaa la qaaday oo uu Madaxweynuhu qaaday iyana meesha may qabanayn.

Intaasi waxaa ku xigay dhibaatooyin ka dhashay oo dadbaa la xidhay,dhiigbaa daatay khilaaf horle oo kii horaa ka yimi sadexdaa qodab oo kaliya ayaanu ka hadalnay”Ayuu yidhi Muj:Muuse Biixi Cabdi

Mujaahid Muuse Biiixi Cabdi ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu ka hadlay Xadhiga Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor,waxaana uu tilmaamay in qaabkii loo xidhay Wasiiirkaasi ay ahayd mid khalad ah isaga oo sidoo  kalena carabka ku dhuftay in ay ahayd xadhig siyaasi ah kaasi oo aan colaad mooyee laga helin wanaag,waxaanu ugu baaqay Xukummadda in si deg deg  ah loo sii daayo masuulkaasi.

“Ta koowaad dadka dhibaatada loo gaystay ee la xidhxidhay waxaanu leenahay waa khalad waana in gefkaa la saxaa oo dadka xuquuqdoodii loo soo celiyaa tusaala ahaan sidiisaba xadhiga siyaasiga ahi ee Wasiirkii hore ee Amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor,xadhiga la xidhay waa xadhig siyaasi ah,waxaanan ognahay xadhiga siyaasiga ahi Colaad iyo nacmooyee wanaag ma keeno waxaanu leenahay waa khalad ee hala ga noqdo waxaa iyana dhibaato labaad ah habkii loo qabtay ee gurigiisa loo galay qof walba oo daawaday dhaawaca naxdin iyo fool xumaba waa ay ugu filan tahay Somaliland,cidii talaabadaa qaadayna waa ay u badheedhay waayo waa la qaban karaayey oo si nabad galyo aha ayaa loo qaban karaayey,waxaan maqlaayey gurigiisa ayaa hub lagu qabtay Guri walba hub ayaa yaala,waxaan leeyahay halkaasi waa arin godob wayn dhalin karta oo halkaa taala,waxaa la xidhay dad taageerayaal Xisbiga ah oo loo xidhay sawirka gudoomiyaha ay siteen”:

Gabgabadii Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxaa nasiib daro uu ku tilmaamay dad lo xidhxidhay sawiro uu leeyahay ku waasi oo lagu taageerayey Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo sida oo kale qaraxyadii shaanida ahaa ee habeenadii ugu danbaysay ka dhacayey gudaha magaalada Hargeysa”Xukuummadda waxaanu waydiinaynaa Madaxweynaha markuu danbi noqday sawirkaygu kaaguna uu noqday Xalaal,waxaanu ka diidanahay oo waxa nalagu eedeeyey ee ah in Wasiirka daakhiliga Somaliland waxaaa wax qarxinaaya  waa rag Madaxnimo doonaya  waan ka xumay in Madaxweynaha afkiisa ay ka soo baxdo,warancade isaga la yaabi maayo intan danbe ee uu isagu Wasiirka noqday hadaladan deel qaafka ahi  isaga waa  caadi maalmahan danbe”Ayuu yidhi Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Berberanews.com

info@berberanews.com