Masiibada Dabka oo gaadhay Laascaanood

  Khasaare Naf iyo Maal ba leh oo ka dhashay kaalin shiidaal

Sool-(Berberanews)-Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa la sheegayaa inay xaaladoodu liidato, halka dhawr iyo soddon kalena dhaawacyo fudud ka soo gaadheen dab ka qarxay Kaalin shiidaal oo ku taal magaalo-madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood.

Lama sheegin sababta dabka dhalisay laakiin waxaa lagu war helay uun mid ka mid ah foostooyin shiidaal ku jiray oo bilowday olol wada gaadhay kaalinta, taasoo gebi ahaanteed shuf beeshay.

Gurmadka shacabka

Dadweynaha reer Laascaanood waxay gacmahooda ula tageen inay demiyaan dab ka holkay kaalin shiidaal, laakiin wuxuu noqday mid ka awood roonaaday oo aanay u taag helin tamartoodu.

Gurmadka La’aanta Dawladda

Gebi ahaanba, magaalooyinka Somaliland way ka simanyihiin gurmad la’aanta dawladda oo aan lahayn tamar ay ku badbaadiso hantida shacabka, tusaale ahaan caasimadda Hargeysa ma haysato dab demsiyo tayo leh oo si deg deg ah u gaadhi kara goobaha dabku ka kaco, waxaanay intabadan gaadhaan goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen,kuwa aan dabdemiska lahayn sida Laascaanood waxay li calaf qaadaan gacmaha shacabka oo aan bakhtiin Karin.

Naf iyo Mood badan oo sannadkan Dabku galaaftay

Sannadkan 2014 waxaa Somaliland ku shuf beelay goobo Ganacsi oo malaayiin doolar ku lumeen iyo dad naftooda ku waayay, May 3, 2014 waxaa shuf beeshay Kaalinta weyn ee KAAH oo ku taal Bariga Hargeysa, taasoo ay ku burburtay hanti badan oo lagu qiyaasay nus milyan dollar.

May 4, 2014 waxaa magaalada Hargeysa ku qalibantay booyad shiidaal siday oo ay ku naf waayay 1 qof oo ahaa dirawalkii booyada, saddex qof oo kalena waxaa ka soo gaadhay dhaawacyo.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 02 June 2014 magaalada Laascaanood ku gubtay Kaalin shiidaal oo ay ku bur bureen gebi ahaanba hantidii dhex taalay

Dhoy La’aanta Ganacsatada

Ganacsato badani way is dhigteen, kaalmaha shiidaalku haw badnaadaan iyo ganacsatada kaleba may keensan qalabka dabka lagula dagaalamo (Fire Distinguishers) ay kula tacaali karaan bilowga dabka oo ay kaga badbaadi lahaayeen khasaare badan oo soo gaadha.

Wariye Maxamed Xarrago

Berberanews.com, editor@berberanews.com