TV-ga Qaranka Oo Jooiyay Tabinta Wararka Hoggaanka Xisbiga KULMIYE

Hargeysa (Berbera news)   Telefishanka qaranka Somaliland ee Bulshadda badankeeddu u taqaano TV-ga qaranka,  balse  tabiya wararka xambaarsan Afkaarta Xukuumadda, gaar ahaan Madaxtooyadda ayaa waxa maalmihii u dambeeyay uu baahinayay warar ka dhan ah Khilaafka Xisbiga KULMIYE oo uu si toos ah ula saftay Garabka Madaxweyne Siilaanyo.
 
Telefishanka qaranka ayaa la sheegay in Madaxtooyadda laga soo amro qaabka uu u tabinayo Wararkiisa uu ugu tallo-galay inay Bulshaddu daawato,  iyadda oo gebi ahaanba laga mamnuucay Wararka Hoggaanka Xisbiga KULMIYE.
 
Todobaayaddii u dambeeyay Shirar Jaraa’id oo ay qabteen dhinacyadda isku haya awoodda Xisbiga KULMIYE ayaa waxa uu tabiyay wararka Garabka Madaxtooyadda taabacsan, balse waxa la joojiyay baahinta wararka Hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE, taas oo saamayn ku yeelatay Kalsoonidda ay Bulshaddu ka qabto magaca Masuliyadeed ee uu xambaarsan yahay iyo Hantidda Bulshadda dan-yarta ah Cashuur ahaan looga qaado la geliyo.
 
Tvgan ayaa waxa uu baahinta wararkiisa laga dheehddaa warar  u badan Mashruuca Waji ku macaash oo ah Barnaamij ay bud-dhigtay Xukuumaddii UDUB,  isaga oo tabinaya Xubno taabacsan awaamiirta Madaxtooyadda oo dhaliilo u jeedinaya Hoggaanka Xisbiga KULMIYE.
 
 
Madaxweyne Siilaanyo ayaa xiligii uu Mucaariddka ahaa waxa uu fagaarayaasha Siyaasadda ee uu ololaha kaga jiray ku tiiraabi-jiray in haddii  uu taladda Somaliland ku guulaysto aanu TV-ga qaranka u adeegsan-doonin awoood Xukuumaddeedd, isla-markaan aanu noqon doonin Xarun Warbaahineed oo lagu koobo baahinta wararka Xukuumadda, balse uu dhex-dhexaaddnimo Bulshadda ugu adeegi-doono 
 
 
Berbera news/Hareysa.