“Xasan Macalin Waa Nin Aan Wacad Iyo Abaal Laahayn, Waa Ninka Ku Hadlayay  Hay’adda Aan Sharci Ahayn” Muj Cali-guray

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaariddka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) ayaa Afhayeenka Guddida Diwaangelinta ururadda Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta qaranka Xasan Axmed Ducaale (Xasan-macalin)  ku eedeeyay inuu ka baxay dhex-dhexaaddnimaddii, isaga oo xusay in Sharciyadda ay xilka ku hayeen ay tahay mid aan waaqafsanayn Sharciyadda dalka u dejisan.
 
Muj. Cali-guray  waxa uu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyayay Bogga ay Bulshaddu ku xidhiidho ee Facebook.
Waxaanu yidhi  “Xasan-macalin,ninka ku hadlayay magaca haya’dda aan jirin ee Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda wuxu ahaa qabyaalad qaawan oo hadlaysa. Waa Wasiirkii Madaxtooyada ee Daahir Rayaale ee markuu lacagtii kambaynka qaatay, ee xataa tii muraaqibiinta reerkiisa qaatay, ee tu walba qaatay maalintii doorashada ka horeysay adeerkii isaga tegay.
 
Waa qof aan wacad iyo abaal midna lahayn ee qabyaaladu diin u tahay. Haya’ddan uu sheeganayo laba sanadood oo keliya ayay sharci ahayd muddo kordhin sharci ahna may helin. wuxu inoo sheegay in loo soo gudbiyay go’aano sharci ah.oo ka soo baxay shirwaynihii Kulmiye waana beentii.
 
Liiska lix nin oo shirgudoonklii ahi ay kala duunteen xubintii todobaad oo ahaa Dr Maxamed Cabdillahi oo sida intooda kale isaguba reer metelayay ayuu leeyahay waa go’aan shirwayne. Liiska Golaha Dhexe waxay ahayd in hal hal shirwaynuhu u ansixiyo. Tan kale gudida fulinta waxa iska leh soo jeedintiisa Gudoomiyaha Xisbiga waxaana la raacayaa xeerka xisbigu leeyahay waana sidii ay ahaan jirtay.
 
Xeer Lr. 14 waxan hore ugu bixiyay shirqool lam 14 waxa kuligii ba loo samaystay dano gaar ah ee wax loo sameeyay dan qaran ba maaha. Anaga UCID ahaan waxa la yidhi Gudoomiyaha Xisbiga laba mar wax ka badan lama dooran karo. Sidii sheekadii AHN Sheekh Muxumad Yare iyo salaadii jimacaha ayaanu nidhi walaahi naanu sedex dooran afar goor dooran hadii aanu doono waayo sharciga UCID baa ogol”
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.