ARSENAL OO LA SIIYAY FURSAD AY KU IIBSAN KARTO WEERARYAHANKA MILAN EE MARIO BALOTELLI

Cayaaro(Berberanews)-Arsenal ayaa la siiyay fursad ay ku iibsan karo Mario Balotelli, balse waxa lagu xidhay inay bixiyaan lacag dhan 30 milyan pound, kadib markii Milan khaatiyaan ka joogsatay dabeecadihiisa.

23 jirkan Talyaaniga u dhashay oo 54 kulan oo uu AC Milan u saftay u saxeexay 30 gool ayuu hoos-u-dhac weyn ku yimi xilli-ciyaareedkii dhammaaday oo aannu ciyaar-wanaaggii looga bartay muujin.

Warbaahinta Talyaaniga iyo Ingiriiska, ayaa baahiyey in Mario Balotelli ku laaban doono Premier League Ingiriiska, isla markaana Wenger oo lacag badan la siiyay doonayo inuu Emirates geeyo.

Mario-Balotelli
www.aiowallpaper.com