CHELSEA OO AFAR CIYAARTOY OO ATLETICO MADRID U CIYAARA DUL-DHIGTAY 75 MILYAN POUND

Cayaaro-(Berberanews)-Kooxda Chelsea ee waddanka Ingiriiska, ayaa lacag dhan 75 milyan pound dul-dhigtay afar ka mid ah laacibiinta Atletico Madrid u suurto-geliyay inay ku guulaystaan horyaalka Spain ee La Liga.

Wargeyska Daily Star, ayaa qoray in ciyaartoyga Mourinho rabo inuu Chelsea geeyo kala yihiin; Diego Costa, Filipe Luis, Diego Godin iyo Tiago, kuwaasoo guud ahaan lacagtoodu tahay 75 milyan pound.

Chelsea waxa ay hore Atletico Madrid ugula heshiisay inay Diego Costa kaga iibiso 35 milyan pound, balse waxay hadda ku dareen Tiago oo hore ugu ciyaari jiray, balse ka huleelay markii uu ku saaqiday.

Laacibiinta Filipe Luis oo 28 jir ah iyo Diego Godin oo isna 28 jir ah, ayaa tababare Mourinho qorshaynayaa inuu ku xoojiyo difaaca, maadaama uu ka xammaan urursanayo Ashley Cole, halka David Luiz uga wareegay PSG.