Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Waaran Qabasho ah u Jartay Guddoomiyaha Iyo Tafatiraha Wargeyska Haatuf

Hargeysa, June 3, 2014 (Berberanews)–Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa waaran qabasho ah u soo jarta maanta duhurkii Guddoomiyaha iyo Tafatiraha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige, kuwaas oo ay amartay in degdeg xabsiga loogu dhaadhiciyo.

Waarankan qabashada ah ee ka soo baxay Maxkamadda gobolka ee Guddoomiyaha ka yahay Faysal-dhago-dhago ayaa waxa dabada ka riixayey sida la sheegay Yuusuf Kirix Cawad oo ka mid ahaa xildhibaanadii hore ee golaha deegaanka Hargeysa, kaas oo aan si dhab ah loo ogayn sababta ku kaliftay inuu isagu ka shaqeeyo xadhiga Suxufiyiintan, isagoon waliba kana mid ahayn Odayaashii Damaanada Guddoomiyaha iyo Tafatiraha Haatuf ku qornaa.

Dhinaca kale sida la filayo waarankan qabashada ah ayaa la filayaa inay xukuumadu kaga jawaabayso Shirkii jaraa’id ee ay masuuliyiinta Haatuf 31-kii bishii hore ee May ku deedefeeyeen hor tagista maxkamadda, kuwaas oo ku dooday inaanay dhagaysiga 3-aad ee dacwadooda aanay hor tagi doonin maadaama oo saddex jeer oo ay Qareenadoodu dureen garsooraha dacwadooda ka garnaqayey oo ay ku eedeeyeen inaanu dhex-dhexaad ka ahayn kiiskooda isla markaana uu u xaglinayo dhinaca masuuliyiinta xukuumadda.

Suxufiyiinta Haatuf ayaa sidoo kale shirkooda jaraa’id ku sheegay in laga diiday Rafcaan ay qaateen oo ay ku dalbanayeen in dacwadooda loo wareejiyo maxkamadda Rafcaan oo ay tilmaameen inay kaga kalsoon yihiin tan gobolka ee uu guddoomiyaha ka yahay Faysal Cabdilaahi Ismaaciil (Dhago-dhago).

Berberanews.com

info@berberanews.com