Nin Toban jeer Qalliin isku sammeeyay si uu u yeesho Muuqaalka Dadka Koonfurta Kuuriya

Qubane-Nin u dhashay dalka Brazil oo abuurtii Ilaahay u sameeyey ka door biday inuu u ekaado dadka reer Eshiya, gaar ahaan kuwa ku nool Koonfurta Kuuriya, ayaa muddo toban jeer ah isku sameeyey qalliin uu muuqaalkiisa dhabta ah ku beddelayo.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Xiahn, da’diisu tahay 25 jir, ayaa aad u jecel dhaqanka iyo muqaalka dadka Kuuriya, isagoo aad ula xidhiidha ardayda ka soo jeeda dalkaas, kaasoo sannado badan wax ka baranayey jaamacadda Dangseo ee waddanka Koonfurta Kuuriya, waxaannu beddelay dhammaan muuqaalka wejigiisa.

“Waxaan doonayaa inaan indhaha yaryar iyo muuqaalka Kuuriya u ekaado, taasina waa waxa aan doonayo in aan anigu noqdo,” ayuu u sheegay wargeyska Zero Hora oo ka soo baxa dalka Brazil, isagoo xusay inuu qalliino galay in ka badan 10, kaasoo ku bixiyey kharash dhan $3000 (saddex kun) oo doollar si uu ugu eekaado asal ahaan dadka Eeshiyaanka, waxaannu yidhi; “Waxaan doonayaa in aan halkaas ku noolaado oo aan u eekaado dadkaas, kama cabsi qabo in wax khalad ah igu yimadaan, balse waxaan ka cabsanayaa in indhaha dhib iga soo gadhaan, inkastoo waqtigan aragtidaydu caadi tahay.”

ninka-Brazilka-ee-Kuuriyaanka-isu-eekaysiiyey

Ninkan oo asal ahaan la odhan jiray Max, waxa uu la baxay waqtigan magaca Xiahn oo ah magacyada dadka indha-yarta ah la baxaan, waxaannu xataa beddelay indhihiisii buluuga ahaa oo uu ka dhigay madaw, halka timihii dahabiga ahaa uu ka dhigay qaar madaw.

Ninkani waxa uu dalka Brazil ka helay dhakhatiir muuqaalkiisa Rabbaaniga ah ka beddela, waxaannu sheegay in aabbihii xataa ku taageeray rabitaankiisa, balse hooyadii diiday oo aanay fahmin waxa uu jecel yahay, iyadoo diin ahaan aanay dadka muslimiinta ah u bannaanayn inay dooriyaan abuurta Ilaahay siiyey.

ninka Brazilka ee Kuuriyaanka isu eekaysiiyey

Ibraahin Khadar Siciid