Somaliland Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Warbixin Golaha Ammaanka laga sheegay

Hargeysa(Berberanews)June.03.2014-Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay warbixin ay Golaha Ammaanku u gudbiyeen guddida dabo-galka hubka qarramada midoobay ee Soomaaliya iyo Eritrea oo ay ku sheegeen inay Somaliland samaynayso ciidan hubaysan oo khatar ku noqon kara nabad-gelyada mandaqada geeska Afrika.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa guddiga dabo-galka cunaqabataynta hubka qaramada midoobay ee Soomaaliya iyo Eratariya warbixinta ay u gudbiyeen golaha ammaanku ku tilmaamay mid gef ku ah Somaliland, isla markaana sheegay inay tahay hadal la iska yidhi oo guddigaasi kaga been sheegayaan Somaliland, waxa kale oo uu guddiga ku tilmaamay kuwo shaqadoodiiba ay fashilantay oo aan waxba ka qaban hubka Soomaaliya soo gala oo ay ahayd kii loo xil saaray.

Wasiir cadami

Wasiir Cadami waxa kale oo uu sheegay in hore loo jabiyay cuna-qabatayntii hubka ee la saaray Soomaaliya, isla markaana maanta caalamku si toos ah hubka u soo galiyo Soomaaliya oo waliba ay gacanta u galiyaan dawlad aan ka wada-talin caasimadda waddankaas inta kalena aanay gacanta ugu jirin oo ay maamulaan kooxaha ay dagaalka kula jiraan.

Wasiirku waxa uu sidaa ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska DAWAN, Waxaanu ugu horeyn weydiinay warbixinta ay soo saareen guddiga dabo-galka cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya iyo Eratariya oo sheegtay in Somaliland ay qoranayso ciidan hubaysan oo wax yeelayn kara ammaanka Somaliland iyo mandaqadaba, waxa uu ku jawaabay. “Horta hadal waa la iska odhan karaa cid kastaana waxay doonto way sheegi kartaa, laakiin xaqiiqadu waxay tahay marka ugu horeysa ciddii ay cunaqabatayntu saarnayd ayaaba hore looga jabiyay oo caalamku u kala dheeraynayaa siday u hubayn lahaayeen, waliba cidda la hubaynayaa waa dawlad aan gacanta ku wada hayn caasimadda ay ka dhisan tahay, iskabadaa dalka intiisa kalena,waxaananu u aragnaa hadalka ay guddigu soo saartay mid gef ku ah Somaliland.”

Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo la weydiiyay jiraankaas ciidanka ay golaha ammaanku ka hadleen waxa uu yidhi, “Somaliland waxay leedahay ciidammo dawladdeed oo dhamaystiran, isla markaana waxay awood u leedahay inay ciidankeeda tayayso qalabayso, laakiin ma jiraan ciidammo aan kuwa qaranka ahayn oo dalka laga qorayaa, guddigu markay leedahay waxaa laga qorayaa Somaliland ciidammo kale oo aan ku jirin ciidamadda dalka ee jira, waxay majaro habaabinayaan golihii ammaanka ee la rabay inay warbixin ka soo gudbiyaan hubka sida tooska ah maalin kasta loo galinayo Soomaaliya, kaasoo aanu u aragno inuu u gacan gali karo cid aan caqliyan masuuliyad hub qaadi karayn, isla markaana taasi ay keeni karto nabadgelyo darro ka timaadda dhanka Soomaaliyada oo mandaqada ku faafi karta.”

Wasiirka oo ka jawaabayay waxa ay Somaliland ahaan kaga jawaabayaan qodob warbixinta ku jira oo sheegaya in ciidamadda Somaliland ay khatar ku yihiin nabadda mandaqada, waxa uu yidhi, ‘Somaliland ciidankeedu waxay hanteen guud ahaan nabadda dalka Somaliland, waxaanay ka qayb qaateen nabadgelyada geeska Afrika, qaaradda Afrika iyo guud ahaan nabadda caalamkaba, waxaanay beesha caalamka Somaliland kala shaqaysaa nabadgelyada mandaqada oo xaalado badani ka jiraan, taasna waxaa suuragaliyay ciidammadda Somaliland oo ah ciidammo qaran.

Somaliland-na cidna cadaw kuma aha duulaanna kuma waddo, isla markaana marnaba ma ogola in dalkeeda ay soo galaan cid nabadgelyadeeda wax yeeli karta ama cid kale cadaw ku ah, waxay Somaliland hormood u tahay inay mandaqada iyo beesha caalamkaba kala shaqayso nabadgelyada, waxaanay ahayd in guddiga iyo golaha ammaankuba Somaliland ku abaal-mariyaan sida wanaagsan ee ay caalamka ugala shaqayso nabadda sheegaanna sida ay dalkeeda ciidanka Somaliland uga hanteen budhcad-baddeed,argagixiso iyo nooc kasta oo qas-wadeyaal ah iyo geesteeda nabadda ay mandaqada uga hanatay, laakiin waa nasiib-darro in guddigu garan waydo waxa ay Somaliland mudan tahay.”

Xigasho:DAWAN