Tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira oo Dooni kula degtay Badda Yemen

Yemen(Berberanews):- Ugu yaraan 50 qof oo Tahriibayaal ah ayaa geeriyoodey, ka dib markii doon yar oo ay ku safrayeen kula degtey Xeebaha Galbeed ee dalka Yemen. Dadka geeriyoodey ayaa isugu jirey Soomaali iyo Itoobiyaan.

Lama oga xilliga ay dadkaas doontii ay la socdeen badda ku degtay, haseyeeshee meydadka ayaa ilaa Jimcihii lasoo dhaafay kasoo caarinayey xeebta, waxaana lagu aasay meel u dhow degmada Zoubab.

Mas’uul aan la magacaabin oo ka tirsan dowladda Yemen, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP, in isla todobaadkan ay dalka Yemen gaartey doon kale oo ay 45 qof oo tahriibayaal ahi saarnaayeen, dadkaas oo dhammaantood ay ciidamada boolisku gacanta ku dhigeen.

Sii Akhri