Boko Xaram oo dareeska Ciidanka Militariga u adeegsaday weeraro cusub

Nigeriya (berberanews) Kooxda Boko Xaram ayaa markale xasuuq ka geysatay qeybo kamid ah tuulooyinka Waqooyi ee saran xadka Nigeriya iyo Kameroon.

 nigeria040614-238x300

Weeraradan ayaa ka dhacay shan tuulo oo ku dhaw xaduuda Kameroon ayaa la sheegay in kooxa Boko Xaram oo ku labisan dareeska ciidamada Nigeria ayaa dadka isugu yeedhay Kaniisadaha kahor intaaney rasaas ku furin.

Weeraradan ayaa kusoo beegamaya xili saxaafada Nigeria ay hadal hayaan in Saraakiil Sar sare oo ka tirsan ciidamada Nigeria loo xidhay in ay xidhiidh qarsoodi ah la lahaayeen kooxda Boko Xaraam.

Kooxda Boko Xaram ayaa horeweeraro badan ugu qaaday saldhigyada ciidamada Nigeria ku leeyahay waqooyiga dalkaasi waxayna ka furteen saanad militari iyo waliba gaadiidka dagaalka.

Bishii April ayey ahayd markii ay Kooxdani Boko Xaram afduubteen in ka badan 200 hablood kuwaasi oo weli loo heysto afduub.

 
 

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland

C/qaadiro