FBI oo Somaalida kunool Gobolka Minneapolis ku soo rogtay Digdniin

USA (Berberanews) FBI-da magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah magaalada ay daggan yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool ayaa shalay shaaciyay inay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka tagay Maraykanka si ay uga biiraan kooxaha mucaaradka ah ee ka dagaallamaya Siiriya.

download (8)

Kyle Loven oo afhayeen u ah FBI_da ayaa sheegay in ay hayaan caddaymo ka marqaati kacaya arintan, balse ma aanu cara-baabin tirada rasmiga ah ee ku biirtay kooxahaas, isagoo xusay in  ay socdaan baadhitaanno la xidhiidha falkan.

Xubno ka tirsan danbi-baadhista FBI-da ayaa la kulmay qaar kamid ah Soomaalida Minneapolis si ay ugala hadlaan arintan ,waxaana shirka ka soo qayb-galay Soomaali dhan 25-ruux oo dhamaantood haysta dhalashada dalkaas.

“Waxaan isku dayaynaa inaan u kuurgalno xaalkan, waayo khatarteeda ayay leedahay, sidee ayey waxan ku dhici karaan,“ ayuu yidhi Loven oo wax lagu xumaado ku tilmaamay safarka ay dhalinyarada ee  ku toosan Siiriya.

Todobaadkii hore ayey ahayd markii ruux haysta dhalashada Maraykanka uu qarax is-miidaamin ah ka fuliyay magaalada Idlib ,isaga oo u dagaallamaya kooxaha islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda dowladda Bishaar-Al-asad.

Ugu danbayntii xafiiska FBI-da ee magaalada Minneapolis ayaa soo dhajiyay digniinno la xidhiidha howshan ,waxaana dadweynaha uu ka dalbaday in la soo sheego cid kasta oo qorshaynaysa in ay u safarto Siiriya oo xaaladdeeda ay sii adkaaneyso.

 
 
 

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland

Qaadiro