FRANK LAMPARD OO LOOGA GACAN HAADINAYO HORYAALKA SERIA A-DA DALKA TALYAANIGA

Cayaaro(Berberanews)-Kooxda Fiorentina ee Talyaaniga, ayaa dalab u dirtay Frank Lampard oo kadib 13 sanno oo uu joogay Stamford Bridge sheegay inuu ka tegeyo Chelsea, iyadoo ay u gacan haadinayso kooxda New York City.

35 ayay warbaahintu sheegtay in Fiorentina rabto inay ka faa’iidaysato khibradiisa, kuna buuxiso booska Massimo Ambrosini oo ay cawda u jareen, kadib xilli-ciyaareed aannu waxba ku kordhin.

Laacibkan England kala qaybgeleya koobka adduunka ayay Fiorentina u soo bandhigay mushahar dhan 1.5 milyan euro sannadkii iyo abaal-marino lagu siin doono ciyaar wanaagiisa.

lampard