Guddida Cadaalada Oo Shaqadii Ka Eryay Saddex Iyo Labaatan Garsoore oo Ka Hawl-galijiray Maxkamadaha Dalka

Hargaysa(berberanews)-Sanadahan Danbe Oo cadaaladda Somaliland farta laggu fiiqaya ayaa gudidda cadaaladda Somaliland oo Fadhi ay shalay yeesheen guddida cadaalada ee Somaliland ayaa la sheegay in ay ku eryeen saddex iyo labaatan garsoore oo ka hawl-gali jiray Maxkamadaha dalka.

images

Waxa kale oo lagu soo waramayaa in isku shaandhayn ku sameeyeen qaar ka mid ah garsoorayaasha iyo guddoomiyayaasha maxkamadaha, kadib markii guddida cadaaladdu ku soo samaysay qiimayn. Isbedelka garsoorayaasha maxkamadaha ayaa soo noq noqotay, hase yeeshee waxa isa soo taraysa kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan cadaaladooda.

Guddida cadaaladda ayaa lagu dhaliilaa in aanay waxba ka qaban in ay ku shaqeeyssn xeer hoosaadka anshaxa iyo anshax marinta, si loo yareeyo cabashada ka taagan garsoorka.

Kiisaskaas ay xukuumaddu diiday fulintooda illaa hada xal kamay gaadhin xukuumadda iyo garsoorkuba.

 
 
 

Berberanews-Disk

Hargeysa/somaliland