Xaflad Lagu Furi Lahaa Garoonka Xawaadle oo Dib Loogu Dhigay Khilaafka Siyaasadeed ee KULMIYE Dartii

Hargeysa-(Berberanews)-Xaflad loo ballansanaa in lagu furo garoonka kubbadda cagta xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa, Khamiista berri, ayaa dib loogu dhigay sababo la xidhiidha khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex aloosan xisbiga talada haya ee KULMIYE.
Maayarka Caaasimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa khadka telefoonka ugu xaqiijiyay Jamhuuriya maanta, muddo 10 maalmood ah dib loo dhigay xaflad uu isagu qaban-qaabadeeda lahaa oo u qorshaysnayd in Khamiista maanta lagu furo garoonka Xawaadle oo lagu sameeyay dib-u-dhis weyn oo lagu casriyeeyay.
“Waxaan ku wargelinayaa dhammaan madaxda qaranka iyo marti-sharafta lagu casuumay ka-qaybgalka xafladdii furitaanka garoonka Xawaadle ee berri Khamiista in aannu dib u dhignay muddo 10 maalmood ah, arrimo ku saabsan marxaladda siyaasadeed ee waqtigan dalku ku jiro darteed,” ayuu yidhi Maayor Soltelco.

Dib-u-dhiska garoonka Xawaadle waxa maal-gelintiisa iska kaashaday dawladda hoose ee Hargeysa iyo dadweynaha xaafaddaas, iyadoo lagu wareejiyay deyr dhammaystiran, sidoo kalena laga guray dhagxaan waaweyn oo ku aasnaa gegeda kubbadda lagu ciyaaro.