XIDHIIDHKA KUBBADDA CAGTA PORTUGAL OO KA DAYRIYAY XAALADDA CAAFIMAAD EE CRISTIANO RONALDO

Cayaaro-(Berberanews)-Xidhiidka kubbadda cagta Portugal, ayaa ka dayriyay xaaladda caafimaad ee Cristiano Ronaldo oo ay ku tilmaameed inay mid adag, isla markaana la baaxaa-degeya dhaawac muruqa ka gaadhay.

Xidhiidhu waxay sheegeen in Ronaldo labadii toddobaad ee u dambeeyay aad uga cabanayay muruqa, sidaa darteed uu uga maqnaa kulankii saaxiibtinimo ee dhex-maray Greece iyo Portugal.

Warkan waxa uu soo baxay, iyadoo tababare Paulo Bento ka dayrinayo xaaladda caafimaad ee Ronaldo, isagoo xusay in aannu hubin inuu ka qaybgeli doono kulankooda u horreeya koobka adduunka iyo inkale.

Hase yeeshee, xidhiidhka iyo tababaruhuba waxay ku niyad san yihiin inay arkaan 29 jirkan oo dalkiisa u ciyaaraya, gaar ahaan ciyaartooda u horraysa Guruub G oo 16-ka bishan Jarmalka iskaga hor iman doonaan.

416579_heroa