“KULMIYE Wuu Is Qaban-karaa, Waxaanu Ku Baaqaynaa In Dhakhso La Iskugu Yimaddo Shirkii Tallo-Qaran Ee Aanu Ku Baaqnay” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya Garabyadda isku haya awoodda Xisbiga KULMIYE ee Golaha Guurtiddu dhex-dhexaddiinta bka waddo lagu xaliyo shuruucdda u taala Xisbiga KULMIYE.
 
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo manta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safar muddo bil ah qaatay oo uu ugu maqnaa Dalka dibaddiisa ayaa waxa kale oo uu ka digay muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siillaanyo.
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Waxa maanta Somaliland isku bahaystay Cududo doonaya in ay baabiiyaan qaranka,Gobolo aynu leenahay ayaa la sheeganayaa waxa inagu socota Dagaal Weyn,oo gacamo shisheeyana Adeegsanaya waa taa maanta keentay in la yidhaa Shiidaalkiinii ma qodon kartaan,taasna waxa keentay inta aynu anigu isku jeedno “ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe
 
 
Waxa uu intaas ku daray  “KULMIYE waxa uu soo Arkay waayo Arragnimo badan,waanu is qaban karaa Xisbigu waxaana la isku qabsan karaa Awood,laakiinse waxa ceeb ah dadkan qabiilka u hadlaya iskuma hayaan talo laakin waxay isku hayaan Awood dhexdooda ah, waxaan soo jeedinayaa in dadka qabiilka laga daayo reer hebel iyo qarana isma qabto,sidoo kale waxa aad u fool xun Ciidanka RRU-da ee dadka u dhacaya waa wixii aynu ka dagaalanay dawlada Axmed Siilanaya Sharaf daro ayay u keenaysaa,qolada SHAANIDA qarxinaysanaa,waxay ceeb ku yihiin Sharafta Somaliland”
 
“Waxaanu ku baaqaynaa in si dhakhso ah la isugu yimaado Shirkii aanu ku baaqnay ee Talo-Qaran,waxaana muuqata immika in Wax weyni inaga qaldan yahay maalinba maalinta ka danbaysa hoosbaynu u sii soconaa,Shacabka Reer Somaliland waa dad muddo badan dhib soo maray waana dad dulqaad badan leh ,waxa ayaan Darro ah in Sidii Dawladii Maxamed Siyaad Bare xaafadaha loo soo dhaco”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe
 
 
 
10432284_646711818750270_783366435_n - Copy
Berbera news/Hargeysa .