LUIS SUAREZ OO KAALINTA 3AAD KAGA JIRA LAACIBIINTA UGU QAALISAN KUBBADDA CAGTA

Sida lagu xaqiijiyay warbixin shalay la baahiyay, weeraryahanka Luis Suarez ayaa noqday laacibka saddexaad ee kubbadda cagta ugu qaalisan adduunka, waxana ka horreeya Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo keliya.

Warbixinta waxa lagu sheegay in laacibka kubbadda cagta ugu qaalisan yahay Lionel Messi oo lagu qiimeeyay £161.5 milyan, halka uu labaad ka galay Cristiano Ronaldo oo lagu qiimeeyay £85.2 milyan, iyadoo Suarez-na noqday £79 milyan.

Liiska warbixintan waxa kaalinta afraad kaga jira Eden Hazard oo qiimaha uu suuqa ka taagan yahay lagu sheegay £61.2 milyan, shanaadna waxa ku jira Neymar oo noqday £50.6 milyan.

lues

Sidoo kale, waxa lixaad galay Paul Pogba (£48.9 milyan), toddobaadna Gareth Gareth Bale (£47.1), siddeedaad Mesut Ozil (£39.7), sagaalaadna Edinson Cavani (£38.7), halka uu kaalinta 10-aad ka galay Mario Gotze (£37.9) milyan