Hoggaamiyaha Xisbul-laah Oo Sheegay In Mucaaradka Suriya Laga Guulaystay

Hargeysa (Berbera news) Madaxa urur diimeedka Xis-bullaha ee ka dagaalanta bariga dhexe Sheikh Hassan Nasrallah ayaa sheegay in mucaaradka Siiriya ay ku guul-daraysteen in ay talada ka tuuraan Bashaar –Al-asad oo maalmo ka hor ku guulaystay doorashadii dalkaas ka dhacday.
 
“Dadka Siiriya waxa ay ka hortageen fara-galinta Maraykanka uu wado ee bulshada lagu jahwareerinayo “ayuu yiri Sheekha oo ka hadlayay barnaamij si toos ah ugu baxayay Tv-ga Al-Manar maalinamdii shalay ahayd.
Sheekha oo lagu eedeeyay in Siiriyaanka jooga Lubnaan uu ku qasbay ka qayb-qaadashada doorashadii dhacday ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymahaas ,isagoo hambalayo u diray shacabka Siiriya meel kasta oo ay dunida ka joogaan“Waxaan ugu baaqayaa dowladaha gobolka ku yaalla in ay joojiyaan taagerada ay siinayaan mucaaradka Siiriya ,waayo dagaalki socday ayey ku guul-daraysteen “ayuu mar kale Xasan Nasru-laah oo dhinacyo badan ka hadlay.
 
Xog-hayaha guud ee ururkaas ayaa isna ku baaqay dagaanaansho siyaasadeed oo ka hirgasha Siiriya ,balse waxaa uu tilmaamay in wada-hadalada ay noqdaan kuwa uu hurmuud ka yahay madaxweyne Asad sida lagu soo qoray websaydka Tv-ga Manar.
 
Ugu danbayntii mucaaradka Siiriya ayaa qaaddacay doorashadii dhawaan uu ku guulaystay madaxweyne Bishaar oo talada dalka waqti badan soo hayay, waxaana arintan ay kor-u sii qaadday khilaafka u dhaxeeya mucaaradka iyo dowladda.