Madaxweynaha cusub ee Ukraine oo xilka loo dhaarinayo

BBC-Madaxweynaha cusub ee Ukraine Petro Poroshenko ayaa maanta xilka madaxweynenimada ee dhawaan loo doortay loo dhaarinayaa.

Xafladda dhaarinta ninkani maal qabeenka ah ayaa waxa ay ka dhacaysaa magaala madaxda dalka Ukraine ee Kiev.

Petro Poroshenko ayaa ku guuleystay doorashadii dhacday bishii la soo dhaafay, waxa uuna doonayaa in uu wanaajiyo xiriirka kala dhexeeya Midowga Yurub.

Waxa uu horey u ballan qaaday in uu soo afjarayo colaadda bariga dalka ku dhex maraysa ciidamada Ukraine iyo fallaagada gooni u goosadka ee taabacsan Ruushka balse ma uusan sheegin qaabka uu arrintaasi u marayo.

Maalintii Jimcada ahayd ayaa Petro Poroshenko waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, kulankaasi oo ka dhigan billowga wadahadal ku saabsan dhibaatada ka taagan bariga dalkaasi Ukraine.

Mr Putin ayaa sheegay in loo baahan yahay xabbad joojin deg deg ah ka hor inta aysan billaabanin wadahadalada.

Gudaha dalka Ukraine, fallaagada daacadda u ah Ruushka ayaa lagu soo waramayaa in ay toogteen diyaarad ay dowladda leedahay, taasi oo ay ku soo rideen madaalada Sloviansk.