“Si Kasta Ha Igu Adkaato Danta Qaranka Ayaan U Aqbalayaa Go’aamaddan” Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inuu aqbalay go’aamaddii ay Golaha Guurtidda Somaliland ku xaliyeen khilaafkii garabyadda u kala qaybiyay Xisbiga KULMIYE.
 
 
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo markii ay Guddida dhex-dhexaadinta Golaha Guurtidda ee Khilaafkii KULMIYE ku dhawaaqeen ka dib hadal kooban oo uu Warbaahinta siiyay, waxa uu ku yidhi “Waxaa ay ila tahay hadaad Ragaa aad arin u dhiibato maaha sidaad doonayso in ay kuu xukumaan inkasta oo ay adag tahay sida ay wax u jareen hadana waan aqbalay,Go’aamada waan aqbalay sida ay ahaayeen si kasta ha iigu adkaato danta qaranka ayaan u aqbalayaa aniga waxba layma soo qaadimine sidii kalay u xukumeen waan se qaatay”
 
 
 
Berbera news/ Hargeysa