Man City iyo Paris Saint Germain oo Loogu Goodiyay in Champions League Laga Ganaaxi Doono

Guddoomiyaha UEFA ee Michel Platini, ayaa laba ka mid ah kooxaha waaweyn ee Yurub ugu goodiyay in aanay ka qaybgeli doono Champions League muddo 12 bilood haday ku xad gudbaan shuruucda FFP.

Man City iyo PSG oo hore lacag badan loogu ganaaxay, ayuu Platini ugu hanjabay in aanay Champions League ka qaybgeli doonin muddo sannad ah, haday shuruucda maaliyad wanaag mar dambe ku xad-gudbaan.

Hanjabaada Platini waxay soo soo baxday maalmo kadib markii Man City baahisay xisaab sannadeedka naadiga, kaasoo muujinaya inay sannadkii u dambeeyey khasaareen £51.6 milyan, taasoo ka badan xaddiga EUFA ogoshay oo ah £37 milyan.

gudomiyaha

Dhinaca kale, waxa uu guddoomiyuhu ammaanay Arsenal, Bayern Munich, Barcelona, Chelsea iyo Man United oo uu sheegay in sannad kasta dakhligoodu aad uga badan yahay kharashka ay isticmaalaan.