Sawir-gacmeed laga sammeeyay Dhexdhexaadintii Khilaafka Kulmiye

Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Sawir is-macnaynaya oo uu Farshaxanka caanka ah ee Amiin Caamir ka sameeyey gunaanadka ama go’aannadii laga soo saaray khilaafkii Xisbiga talada Somaliland haye ee KULMIYE ee u dhexeeyey.

Khilaafkaas oo toddobaadkan Guurtidu go’aanno ka soo saareen ayaa u dhexeeyey Xisbiga KULMIYE oo u kala qaybsamay labada Garab oo ay kala hoggaaminayeen Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi, go’aannadaas oo ay soo saareen Guddi Golaha Guurtidu u xil-saaray xal u helidda khilaafkaas oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

amin amir

Sawirkaas oo nuxurka ujeeddada uu gudbinayo fahmi karo qofkasta oo la socday go’aannada ay Guurtidu ka soo saareen khilaafkaas, ka faalloon mayno, balse waxaannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee daawasho wanaagsan.