Soomaaliya oo ka baxday heshiishkii maamulka hawada ee ay wada galeen Somaliland

Hargeysa-(Jam/Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka codsaday hay’adda dhinaca duullimaadyada hawada u qaabilsan Qarammada Midoobay ee ICAO in Somaliland la siiyo mandaqad u gaar ah maamulka hawadeeda, kaasoo loo yaqaan FIR (flight information region) oo ah habka ugu casrisan ee xilligan loo maamulo duullimaadyada hawada ee dalalka adduunka.

b

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hadal ka jeediyey shir-jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen saraakiil ka socday hay’adda ICAO magaalada Hargeysa shalay, waxa uu sheegay inay kulanka ay la yeesheen saraakiisha ICAO ugu gudbiyeen mowqifka Somaliland ee la xidhiidha maamulka hawada sare ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya (Somaliland iyo Soomaaliya), kana ka codsadeen in loo sameeyo hab amma khad u gaar ah maamulka iyo la-socodka hawada sare ee Somaliland, kaasoo uu xusay inay leeyihiin dalal badan oo aan aqoonsi haysan.

 

“Waxaannu u gudbinnay mawqifkayaga ah in aannu doonayno in aannu hawadayada gaar u maamulanno iyo in na la siiyo FIR (flight information regions) Somaliland gaar u ah, taas oo dunida ka dhacda, dawlado badan oo aan aqoonsi haysanna la siiyo, sida Taywan (Taiwan) iyo Falastiin oo iyagu hawadooda maamusha, halka dawlado citiraaf haystaana leeyihiin in ka badan hal xafiis oo FIR, markaa annagu waxaannu aaminsannahay in aannu hawadayada maamulanno, fiiro gaar ahna na la siiyo. Wixii Soomaaliya lahayd waxay ku dhacmeen cidla’. Waxay ka baxeen faro dhexdood, mana muuqato in isku aragti laga noqon karo, lana wada maamuli karo. Shirkii ugu dambeeyay waannu ku guuldarraysannay in aannu natiijo ka gaadhno, heshiisyadii aannu galnayna waa laga baxay. Mar hadday sidaa tahay waxaannu doonaynnaa in aannu waxayaga gaar u maamulanno. Waxaannu weftiga u dhiibnay qoraal  madaxdooda sare ku socda, waxayna naga ballanqadeen in ay gaadhsiin doonaan, markaa iyaga ayaannu jawaab ka sugaynaa,” ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in weftiga ka socday hay’adda ICAO oo muddo saddex maalmood ah booqasho ku joogay Somaliland ay wadaan qiimayn ku saabsan sidii maamulka hawada dib loogu soo celin lahaa gacmaha Soomaalida, kadib markii hay’addaasi maamulaysay muddo ka badan 22 sanno.

“Weftigani siday sheegeen waxay wadaan qiimayn ku saabsan sidii gamcaha Soomaalida dib loogu soo celin lahaa maamulka hawada. Annagoo taa ka duulayna waxaannu weftigan u gudbinnay argtidayada ku aaddan mabaadii’da ay Somaliland ka aaminsan tahay arrintaa. Waxaannu u sheegnay haddaannu nahay Somaliland in aannu noqonnay ummad isku tashatay, dal xasilloon leh, xaqiiqo jirtana ah, inkasta oo aan na la aqoosanyeyn, haddana dunidu na la macaamisho sidii qaran noola macaamisho haybaddii iyo astaamihii dawladnimo dhammaan aannu leenahay. Waxaannu u sheegnay aragtidayada sida hawada dib loogu soo celinayo. Waxa jiray qorshe iyo dariiq dheer oo dhammaantood midho-dhal noqon waayey, madhalaysna ku dambeeyay, markaas in aannu annagu hawadayada maamulaynno, awoodna u leenahay ayaannu u sheegnay.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Md. Cumar Cabdillaahi oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay weftiga ICAO muddo saddex maalmood ah booqasho ku joogeen Somaliland, kormeerna ku sameeyeen madaarrada Hargeysa iyo Berbera, kuwaasoo dalka ka dhoofay shalay.

IMG_7889

“Ujeeddadu waxay ahayd in aannu tusno weftiga ka socda Qarammada Midoobay inay Somaliland awood u leedahay in ay hawadeeda maamulato, iyadoo wadahadallo hore u socday lagu heshiiyay in Somaliland iyo Soomaaliya si wadajir ah hawada u maamuli doonan, inkastoo mar wal oo heshiis dhaco walaalahayaga Soomaaliya ay dib u gurtaan. Waxaannu wetiga u sheegnay farriintayada, qoraal ahaanna waannu ugu gudbinany halka aannu ka taaganahay arrimahaas, aad baanay uga heleen sidii aynnu u soo dhaweynnay iyo arrimihii aynu kala hadalay,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Sarkaalka hoggaaminayey weftiga hay’adda ICAO Mr. Javier Lopes ayaa isaguna saxaafadda u sheegay inay ku faraxsan yihiin safarkooda Somaliland, isagoo xusay in safarkoodu la xidhiidho qiimayn ku saabsan qaabka loo maamuli karo hawada Somaliland iyo Soomaaliya, maadama dhawaan laga wareejin doono Qarammada Midoobay, laguna celin doono gacmaha Soomaalida.

“Waannu ku faraxsannahay in aannu halkan idila joogno. Ujeeddada socdaalkagu waxa weeye in aannu qiimaynno, diyaarinana waqtiga kala-guurka ee gacmaha Soomaalida lagu soo celinayo maamulkii hawada iyo sidii aannu gacan uga geyasan lahayn tababarrada loo baahan yahay iyo in aynnu xaqiijinno inaynnu helno tayada loo baahan yahay ee duullimaadyada maddaniga ah. Halkan [Somaliland] waxaannu joognnay saddex maalmood, muddadaasna waxaannu booqannay Madaarka Berbera. Waxaannu soo eegnay adeegyada ka jira Madaarka Hargaysa,” ayuu yidhi Mr. Javier Lopes.

Mandaqadda maamulka hawada ee Somaliland ka codsatay Qarammada Midoobay, loona yaqaan FIR (flight information region), waa goob lagala socdo, lagana hago duullimaadka hawada iyo macluumaadka la xidhiidha, kaasoo ah maamulka hawada sare ee xilligan adduunka laga isticmaalo, shaqaynayeyna ilaa sannadkii 1947-kii.