“UDUB waxa uu Ku burburay Xaq-daro madaxdiisii ay Madaxa Iskaga Duubtay, Waxyaalihii KULMIYE ka socday waxay tusaale u tahay WADDANI iyo UCID.” Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa (Berbera news) Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaariddka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in Khilaafkii Xisbiga KULMIYE ee Golaha Guurtiddu ay qodobadda ku xaliyeen uu tusaale u yahay Axsaabta kale, waxaanu xusay in bur-burkii saaxadda Siyaasadda ka saaray Xisbigii UDUB ay Masuuliyiintiisii ay sabab u ahayd.
 
Musharaxa Madaxweynaha UCID oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safar uu ugu maqanaa waddamo kala duwan oo ka mid qaaradda Yurub, Ameerika iyo .
 
Waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Cadaalada iyo Sharcigu waa laba shay oo is dul-saaran, Umadda-na waxa haga waa labadaas shay waana in xaqa lagu shaqeeyo, dadkeenana dhibaatooyin badan ayaa dhinaca cadaalada ka haysta haday tahay dhinaca maxkamadaha iyo haday tahay dhinaca sharciga oo laga talaabsanayo, dawlad iyo shacaba waa laga talaabsanayaa, dadkuna waxay dawlad ku noqdaan marka ay sharcigooda ilaalinayaan, dawladana waxa laga doonayaa inay sharciga raacaan.”
 
Waxaanu intaas ku daray “Waxaanu mahad naqayaa Golaha Guurtida, waxaanan leeyahay idinku xilkiinii waad ka soo baxdeen Somaliland-na way ku soo caano maashay nabad-galyadaas iyo idinka oo mar kasta ka shaqaynaya, waad ogtihiin oo xisbigii UDUB waxa uu ku bur-buray xaq-daro iyada oo madaxdii Xisbigu ay madaxa iskaga duubtay, taasina waxay hogo tusaale u taha KULMIYE oo waxyaalaha la arkayaa ka socdaan, waxay hogo tusaale u tahay UCID iyo WADDANI oo hadday bari waxyaalaha noocan oo kale ahi ka dhacaan sumcad daro iyo ceeb ayey ku tahay Dimuqraadiyadeena”
 
S1230007
 
Berbera news/Hargeysa