MARIO MANDZUKIC OO MARKII U HORRAYSAY DOOXAY SABABTA UU BAYERN MUNICH UGA TEGEYO

Ciyaaryahanka Mario Mandzukic, ayaa markii u horraysay qiray inuu ka tegeyo Bayern Munich, kana hadlay sababta ku kelliftay inuu kooxdiisa ka tago, maadaama uu la qaatay xilli-ciyaareedyo aad u fiican.

Mandzukic waxa uu sheegay inuu Guardiola dartii uga tegeyo Bayern Munich, isagoo macallinkan ku dhaliilay in aannu ku kalsoonayn, sidaa awgeed uu xilli-ciyaareedkii hore dhawr kulan kursiga kaydka ugu dhammaystay.

“Haddii aan dhabta ka hadlo, habka Guardiola rabo inay Bayern u ciyaarto ma aha mid aniga igu habboon,” ayuu yidhi 28 jirkan oo ka hor Guardiola ka mid ahaa hal-doorkii tababare Jupp Heynckes.

Mario-Mandzukic

Laacibkan reer Croatia waxa uu cid kastoo Bayern Munich ka tirsan u rajeeyay mustaqbal fiican, waxaannu caddeeyay inuu dalabyo badan ka helay kooxo kala duwan oo Yurub ka dhisan.