Urur Islaamiya oo qabsaday magaalada labaad ee Ciraaq

Magaalada labaad ee dalka Ciraaq ee Mosul ayaa waxaa la wareegay urur Islaami ah oo ka dagaallamo dalkaas.

Ururkan ayaa lagu magacaabaa dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Shaam (oo ka kooban Suuriya, Urdun iyo dhulka Falastiiniyiinta)

Ciidanka militariga iyo boliiska ayaa magaalada isaga baxay kaddib markii Islaamiyiintu ay qabsadeen xaruntii amamulka gobolka iyo dhismayasha waaweyn ee muhiimka ah.

Kacdoonka Ciraaq

Waxay tallabadan jab ku tahay dadaalkii dawladda ay ku dooneysay in ay dalka gacanta ku wada dhigto si ay u xadiddo dhaqdhaqaaqyada xoogaga kacdoonka wada.

Ra’iisalwasaaraha dalka Ciraaq Nuri Al-Maliki ayaa ka codsaday baarlamaanka inuu dalka ku soo rogo xaalad deg deg ah kaddib markii la qabsaday Mosul.

ggg

Dowladda Ciraaq ee ay hoggaamiyaan Shiicada ayaa dagaal kula jirto dablay Sunniyiin ah oo ka soo horjeeda.

Dablayda ayaa horey ula wareegay dhowr magaalo oo kale oo ay ka mid tahay magaalada Falluja ee Sunniyiintu ku badan yihiin.