Wargeys daraasad uu sameeyay ku soo bandhigay qiimaha 32ka dal ee koobka adduunka

Wargeyska magaca weyn ee Magazine Time oo ka soo baxa waddanka Maraykanka, ayaa daraasad uu sameeyay oo ku saabsan dalalka ugu qiimaha badan koobka adduunka soo bandhigay.

Magazine Time waxa uu dal walba qiimayn ku sameeyay 23-ka laacib ee uu koobka adduunka ugu xushay, waxana waddanka ugu qaalisan noqday Spain oo guud ahaan qiimaha ciyaartoygeeda uu ku qiyaasay 916 milyan dollar (668 million pound).

Waxa booska labaad ku jira Germany oo qiimihiisu yahay 604 milyan pound, saddexaadna waxa fadhida Brazil oo lagu qiimeeyay 502 milyan pound, afraadna France  (443), halka Argentina oo shanaad ku jirtana lagu sheegay 442 milyan pound.

Kaalinta ugu hoosaysa waxa ku jira Honduras & Australia oo guuda ahaan 23-ka laacib ee koobka adduunka u metelaya uu wargeysku ku qiimeeyay 22 milyan pound, halka Iran noqotay 31 milyan pound.