DIEGO MARADONA OO FIFA KU SIFEEYAY AWOOD QAAB-DARAN OO KUBBADDA CAGTA KHARIBTAY

Cayaaro-(Berberanews)-Diego Maradona, ayaa weerar culus oo afka ku qaaday xidhiidhka kubbadda cagta adduunka ee FIFA, kuwaasoo uu ku eedeeyay inay kharibeen kubbadda cagta, iyagoo awood qaab-daran u adeegsanaya.

Waxa kaloo halyeygan hore ee Argentina & Napoli ku dhaliilay musuq-maasuq hadheeyay kubbadda cagta iyo in ururkan noqday macaash doono ka shaqaysta kubbadda, balse aan horu-marinteeda u shaqayn.

FIFA ayaa dhawaan shaacisay in xulka koobka adduunka ku guulaysta uu heli doono 26 milyan pound, balse waxa arrintan naqdiyay Maradona oo caddeeyay inay lacag 3 bilyan ah koobka ka soo xaroonayso.

maradona

“FIFA waa awood qaab-daran. Haddii ay helaan lacag dhan 3 milyan euro, waxay dalka koobka ku guulaysta siinayaan 26 milyan, waad arkaysaa farqiga u dhexeeya,” ayuu Maradona yidhi.