Innaa Lilaal : Suxufigii weyna ee Maxamed Maxamuud Kastam oo Geeriyoodey

Geeridu waa xaq Ilaahay ku xukumay noole kasta, Ilaahay naxariistii janno ka waraabiyee waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyoodey Suxufigii ruug cadaaga ahaa ee MM Kastan oo muddo aad u dheer ka tirsanaa bahda saxaafadda.

Alle ha u naxariistee MM Kastam waxa uu ka soo shaqeeyay warbaahin kala duwan, isagoo ka mid ahaa hawlwaddeennadii aas-aasay saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Wargeysyadii Maandeeq, Jamhuuriy, waxa kale oo uu wax badan ku soo kordhiyay Telefiishanka HCTV oo ahaa madaxa barnaamijyada.

kastam

Imikana waxa uu ka mid ahaa La-taliyayaasha sar sare ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, gaar ahaan Telefiishanka Qaranka.

Alle ha u naxariistee MM Kastam waxa uu ahaa qoraa iyo suxufi xigmad badan oo soo saaray buugaag sheekooyin badan oo bulshadu aad u xiisayso.

Tifatiraha guud ee shebekadda Berberanews.com Maxamed Siciid C/laaahi (Xarrago) iyo hawlwadeennadu waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan ehlada, asxaabta, iyo bahda saxaafadda ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Maxamuud Kastam.

 

Ilaahay naxariistii jano ha geeyo,