MANCHESTER UNITED OO HESHIIS HORDHAC AH LA GASHAY DIFAACA SOUTHAMPTON EE LUKE SHAW

Cayaaro-(Berberanews)-Wargeyska Daily Express ee dalka Ingiriiska, ayaa qoray in Manchester United heshiis hordhac ah la gashay laacibka difaaca uga ciyaara Southampton ee Luke Shaw, balse ay dhimantay oo keliya inuu qallinka ku duugo.

Waxa uu wargeysku baahiyay in Man United ku iibsatay 27 milyan pound, isla markaana uu ogolaaday inuu toddobaadkii mushahar u qaato 160 kun oo pound, muddada uu Old Traford joogo.

18 jirkan ayuu wargeysku tibaaxay in kadib dhammaadka koobka adduunka uu qallinka ku duugi doono heshiis shan sanno ah. Haddii warkan dhab noqdo waxa uu adhax jab ku yahay Chelsea oo muddo raadinaysay.

luke