PELE OO BRAZIL UGU BAAQAY INAY DIEGO COSTA IXTIRAAM U MUUJIYAAN

Cayaaro-(Berberanews)-Edson Arantes do Nascimento “Pele”, ayaa ku baaqay in la ixtiraamo weeraryahanka Diego Costa oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Brazil, isla markaana hadda u ciyaara xulka Spain.

Waxa uu Pele ugu baaqay taageerayaasha Brazil inay 25 jirkan u muujiyaan ixtiraam iyo maamuus gaar ah, isla markaana dhinac iska dhigaan wax kasta oo sababi kara nacayb iyo cadaawad.

“Waa in aan xisaabta ku darsanaa darreenka Diego Costa, waa in aynu ixtiraamno, sababtoo ah go’aanka uu qaatay waa mid isaga qanciyay,” ayuu yidhi Pele oo waraysi siiyay Reuters.

Costa oo ka soo laabtay dhaawac, ayaa la filayaa inuu ka mid noqdo laacibiinta goolasha badan ka dhalin doona koobka adduunka, iyadoo Spain iyo Brazil suurto-gal tahay inay isku waajahaan ka hor Final-ka.

diego costa