Wasiir Samaale Iyo Duqa Caasimadda Oo Ku Guul-daraystay Qorshe Ay Ku Soo Abaabuleen Odayal Waji Ku Macaash Ah Oo Taageerayay Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Sotelco) ayaa ku guul-daraystay qorshe ay ku doonayeen in Odayaal dhaqameed waji ku macaash oo qorshaynayay inay afka beesha Subeer Awal ku taageeraan Musharaxnimadda Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, kuwaas oo dhalinyaro ka soo jeedda Beeshaasi ay maanta ka hor-istaagay Odayaashaasi inay qabteen Shir Saxaafadeed ay taageerro ugu muujinayeen Madaxweynaha.
 
Wararka ayaa intaa ku daraya in Xubno Xukuumadda ka tirsan oo ka soo jeedde Beeshan ay xalay Magaaladda Hargeysa ka abaabuleen Odayaashan, kuwaas oo dhaqaale ku siiyey, waxaana hor-mood u ahaa Xubnahaasi Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Sotelco), balse waxay ku guul-daraysteen qorshahooddii ay ku doonayeen Cuqaashani ay Taageeraan Madaxweynaha.
 
 
Mashruucan waji ku macaash ayaa waxa aasaaskiiska bud-dhigtay Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale, kuwaas oo Odayaal dhaqameed soo fadhiisin-jirtay Warbaahinta si uga hor-yimaaddaan Afkaarta Mucaaridka.
 
Cabdicasiis-Samaale-WAsiirka-Maalliyada-tile
 
Berbera news/Hargeysa.