ALLE Ha U Naxriistee Suxufigii Marxuum MM Kastam Oo Aas Qaran Loo Sameeyay + Sawiro

Hargeysa (Berbera news) Waxa maanta Xabaalaha Xeedho ee Magaaladda Hargeysa aas qaran loogu sameeyay ALLE ha u Naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Kastam oo ka mid ahaa Tiirarka Saxaafadda Somaliland, kaas oo ku geeriyoodday Magaaladda Hargeysa.
 
https://i0.wp.com/oodweynemedia.com/ood/wp-content/uploads/2014/06/IMG_3155.jpg?resize=696%2C522
Aaskan Marxuumka ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Masuuliyiinta ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Warbaahinta iyo Dadweyne kale, kuwaas oo ka waramay taariikhaddii Marxuum MM Kastam iyo hal-abuurnimaddii uu caanka ku ahaa Marxuumku.
IMG_3143
Marxuum Kastam ayaa waxa lagu xasuusan-doonaan Qoraalo iyo Sheekooyin uu ka qoray Nolasha iyo qaabka uu Qofka Bini’aadamka ah Guul u gaadhi-karo, ALLE ha u Naxariistee Marxuumku waxa dhaxal uga tagay Jiilka Saxaafadda Somaliland oo uu wax badan soo baray, isaga oo tallooyin Guul lagu gaadhay siiyay ALLE ha u Naxariito Marxuum Maxamed Maxamuud Kastam.
IMG_3140
IMG_3148
IMG_3152
IMG_3171
IMG_3166
 
Berbera news/Hargeysa