Ciidamadda Qaranka Somaliland Oo La Wareegay Degmadda Taleex

Hargeysa (Berbera news) Ciidamadda qaranka Somaliland ayaa la wareegay gacan ku haynta Degmadda Taleex oo ay ku sugan-yihiin Xubno ka mid ah Hogaamiyayaasha Khaatumo, iyada oo Ciidamada qaranka ay iska-caabin kala kulmeen Maleeshiyooyin ka amar-qaadanaya Cali Khaliif Galaydh.
 
Cali Khaliif, Cali Ciise iyo ergooyinkii shirka Khaatumo ayaa saaka ka baxay Taleex, kuwaas oo qaban-qaabinayay Shir la mid ah kii ay Sanadkii 2011-kii ay kaga dhawaaqeen Khaatumo Degmadda Taleex.
 
Xukuumadda Somaliland ayaa amar ku bixiyey in aanay ciidabku mar danbe ka soo bixin deegaamada ay qabsadaan. Sidoo kale waxa uu amar ku bixiyey in kooxda Khaatumo lagaga daba tago meel kasta oo xuduudka Somaliland ah.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa