GARSOORE U DHASHAY JAPAN OO LOO CALEEMO SAARAY QABASHADA KULANKA FURITAANKA KOOBKA ADDUUNKA

Xidhiidhka kubbadda cagta adduunka ee magacooda loo soo gaabiyo FIFA, ayaa shaaciyay qaar ka mid ah garsooreyaasha dhex-dhexaadin doona kulamada ugu horreeya koobka adduunka oo si rasmi ah u furmaya gelinka dambe ee Khamiista maanta.

Kulanka lagu furayo koobka adduunka ee caawa garoonka Arena Corinthians  ku dhex-mari doona Brazil Vs Croatia, waxa qaban doono garsoore Yuichi Nishimura oo u dhashay dalka Japan.

Ciyaarta xulalka Spain Vs Netherlands ku dhex-mari doona Jimcaha garoonka Arena Fonte Nova waxa loo xilsaaray Nicola Rizzoli oo Talyaani ah, halka Wilmar Roldans oo Colombian ahna dhexdhexaadinayo kulanka Mexico Vs Cameroon.

ar