“Waxaad Hadda Eegtaa Hogaanka Dalka, Dadkan Yaa Gaadhiisan Kara Halkay Doonayaan” Siciid Sulub

Hargeysa (Berbera news) Wasiirkii hore ee hawlaha guud ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in Kaalintii Xisbinimo ee uu baneeyay Xisbigii UDUB ee saaxadda Siyaasadda ka baxay uu badalay Xisbiga WADDANI oo uu maanta ku biiray.
 
Siciid Sulub waxa uu sidaas ku sheegay Munaasibadda uu Xisbiga WADDANI u qabtay Siyaasiyiin ka tirsanaa Xisbigii UDUB oo ku biiray WADDANI.
Waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Horta aniga Xisbigii ugu horeeyey ee ilaahay naxariistiisii janatul fardawsa ha siiyee ina Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ku dhawaaqay ee UDUB ururna iigama horayn ururna iigama danbayn,markii imika lays dhex yaacay ee boqolka urur lasamaystayna waa ka fadhiistoo waad ogaydeen intaas waxaan is lahaa caadifad qolonimo ahi yaanay ku qaadin mid danaysina yaanay ku qaadin”
 
“Bal waxaad eegtaa hadda hogaanka dalkan ama madaxnimada dadkan tolow yaa gaadhsiin kara halka ay doonayaan,markaa markii aanu eegnay saddexdii Xisbig ee soo baxay ee 2001-dii iyo 2002-dii soo baxay UDUB ayaa ka hormuud ahayd UDUB hadii ay ka hormuud ahaydna doorashadii danbe may soo galin UDUB khilaaf bay ku hadhay waxaa kaalinteedii Soo galay WADDANI halkaa iyada ah doorashada koowaad ee aan anigu naftayda aan siiyey waxaa ay ahayd dee UCID iyo KULMIYE waanu isniqiinay,intaana cida aan daraasada ku samaynaayey WADDANI ayaa ay ahayd,WADDANI hogaamin ahaan intaba marka aanu qiyaasnay aniga iyo Asxaabtaydu,waxaanu isnidhi Xisbigii lagaga baxaayey gunimada ee Citiraafka keenayey waa Xisbiga WADDANI”Ayuu yidhi Siciid Sulub
 
IMG_1427
 
 
Berbera news/Hargeysa.