Xisbiga WADDANI Oo Soo Jeediyay In La Kordhiyo Tiradda Guddidda Doorashooyinka

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in xisbi ahaan ay soo jeedinayaan la kordhiyo tiradda Xubnaha Guddidda Doorashooyinka, kuwaas oo hadda ka kooban 7 Xubnoodd.
 
Guddoomiye Cirro waxa uu sidaasi ku sheegay Munaasibadd ay Siyaasiyiin ka tirsan Xisbigii UDUB ay ula midoobeen Xisbiga WADDANI.
 
Waxaana hadaladdiisii ka mid ahaa “Waxaan soo jeedinaynaa in xubnaha Guddida laga dhigo sagaal (9) xubnood . Waxaan waayo arag u nahay inaan todobada xubnood ku filayn xili doorasho, iyada oo loo baahn yahay in xubnuhu u kala baxaan dhamaan Gobolada dalka. Xarunta waa in ay joogaan ugu yaraan saddex xubnood si u sahlanaato xil gudashada culus ee xili doorasho”
 
Waxaanu intaas ku daray “Waxaan kale oo jeedinaynaa in xisbi kastaa soo magacaabo 3 xubnood, loona miisaamo dhamaan gobolada dalka JSL. Arrinta komishanka Qaranka waxaan soo jeedinaynaa in xukkumadda iyo axsaabta qaranku kulan wada tashi dhakhso isugu yimaadaan”
 
Guddida Doorashooyinka ayaa hadda ka kooban 7 Xubnood, kuwaas oo saddex ka mid ah uu magacaabay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, halka 2 Xubnood-na ay Golaha Guurtiddu soo magacaabeen iyo 2 Xubnoodd oo ay soo magacaabeen Xisbiyadda KULMIYE iyo UCID.
 
IMG_1507
 
 
 
Berbera news/Hargeysa