Dawladda Ethiopia oo xabsiga ku gurtay muwaadiniin reer Somaliland ah

Addis-ababa-(Berberanews)Dawlada Ethiopia ayaa xabsiga dhigtay todobaadkan dad sitay Baasaboorka Somaliland, kuwaas oo looga shakiyay in ay xidhiidh la leeyihiin kooxaha Argagixisada eek u filqan aduunka.


Dadka la xidhidhay ayaa dhamaantood ahaa dad u dhashay Koonfurta Somalia, balse sitay Baasaboorka Somaliland oo ay ka qaateen magaalada Hargeysa kadibna ay ku galeen Ethiopia. Sida ay sheegayaan warar laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidanka amaanka, waxa dadkaa oo gaadhaya 12 qof la qabtay kadib markii warar sirdoonka dhinaca Maraykanka iyo la dagaalanka argagixisadu soo weriyeen macluumaad la xidhiidha dadkaa oo ay ciidamada Dalka Ethiopia ku war geliyeen in la baadho goob ay ku sugnaayeen dadkaa oo looga shakiyay in ay hawlgalo ka dhan ah dhinaca amaanka doonayeen in ay ka fuliyaan magaalada Adis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Hase yeeshee warar kale ayaa sheegaya in raggaas la qabtay oo lala xidhiidhiyay kooxda Al-shabaab la ogaaday in ay ahaayeen kuwo sii qorshaynayay hawlgalo ka dhan ah amaanka dalka Ethiopia, kuwaas oo wararka qaar sheegayaan in ay si sharcidaro ah uga galaan dalka Ethiopia dhinaca xadka ay la wadaagaan Somaliland, iyagoo aan sidan wax sharci ah, isla markaana ay dawlada Ethiopia oo ka cabsi qabta falal argagixiso ay xidhay gebi ahaanba xuduudka ay la wadaagta dalalka Somaliland, Soodaan, Koonfurta Soodaan, Somalia, Kenya iyo Djibouti, marka laga reebo dhinaca duulimaadyada dhinacyada Cirka ee ka imanaya dalalka ay jaarka yihiin.

Halkan ka akhriso warka oo dhammaystiran