Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Bogaadiyay Shirka Beelaha Arab Ee Agarad 3

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa bogaadiyay Shirka beelaha Arab ay ku qabsadeen Magaaladda Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawadd.
 
Warsaxafadeed uu soo-saray Guddoomiye Muuse Biixi ayaa u dhignaa sidan:-
 
“Ujeeddo; HAMBALYO GUDOOMIYE
Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Md, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, hogaanka xisbiga, golaha dhexe, guddida fulinta iyo ka dhamaan taageerayaasha iyo xubnaha xisbiga kulmiye wuxuu hambalyo u dirayaa shirka beesha Arab uga socda magaalada Balligubadle ee xarunta gobalka Hawd.
Sidoo kale gudoomiye muuse Biixi wuxuu bogaadinaya Ergooyinka tirade badan ee shirkaas ka qayb galay isagoo badheedhe iyo barwaaqo u rajaynaya.
Gabagabadii wuxuu gudoomiyuhu u rajaynayaa beesha arab ee shirkaasi u socdo inuu ugu soo dhamaado guul iyo horumar.
 
 
ALLAH MAHAD  LEH      
 
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Md. Muuse Biixi Cabdi