Masuul ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Somaliland oo lagu eedeeyay khal khalgelin

Maalmihii ugu dambeeyey waxa ka socday xaafada isha Boorama ee degmada Axmed Dhagax arimo ka dhan ah nabad galyadda oo ay wadaan rag ka mid ah masuuliyiinta xilalka ka haya xukumadda.

Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada gaashaandhiga Axmed Maxamed Bulbul ayaa xiisad ka dhex abuuray dadwaynaha xaafada isha boorama ka dib markii uu ku kacay falal aflagaado ah oo uu kula kacay Caaqil abdeeq muxumed Caamir oo ka mid ah caaqilada beesha Ayuub gaar ahaan jilibka habar siciid,aflagaadadan ayaa ka dambaysay,saami qaybsiga xilalka beesha oo dhinac ka raran tan iyo intii xukumadani , la wareegtay talada dalka.

Waxaanu masuulkani ku hanjabay in beesha ayuub gaar ahaan jilibka uu ka soo jeedo ee ibraahim ayuub ay ku fadhiyaan dhamaan kuraastii iyo xilalkii ay beesha waligoodna ay ku fadhiyi doonaan cidii arimahaa ka hadashana la xidhi doono, iyadoo arintani kicisay dadwayne kala duwan oo ka cadhooday hadalada iyo hanjabaadan.
Iyadoo arintani kicisay kana cadhaysiisy sababaha wakhtigan keenay in masuulkani dhibaato colaad iyo kala qabinta reerka ku dhaqaaqo waxaanay habeenadii ugu dambaysay ka socotay xaafada iyo beesha dhexdeeda arimo keeni kara isku dhac iyo dhibaato nabadgalyada iyo bulshada xaafada kala fogeeya hadaba waxaanu baaq u diraynaa xukumadda Somaliland gaar ahaan madaxwayne siilaanyo anagoo ah odayaasha iyo waxgaradka beesha ayuub gaar ahaan jilibka habar,siciid

1-madaxwayne arintaasi waxa ka dambeeya masuuliyiin ka mid ah xukumada oo ka warwarsan inay xilkooda waayaan hadii beeshu saamigeeda sidii ay horeba u qaybsan jirtay loo qaybsado
2- waa in mudane madaxwayne sida ay beeshu horeba ugu heshiisay inaad tixgaliso oo maanta aad dhinac isu marisay iyadoo jilibka habar siciid ay lahaayeen xubinta xukumada ee ay horeba u soo qabteen xilka wasiir,kuxigeenka wasaarada gaashaandhiga marxuum maxamed awcali cumr oo ka soo jeeday jilibka habar,siciid iyo maxamed cali yuusuf maydhax oo ahaa masuulkii ka badalay markii marxuumkii hore geeriyooday, mudane madaxwayne waxay meesha ka baxday saamigii jilibka habar siciid markaad sadexda masuul ee xilalka haya u magacawday jilibka ibraahim ayuub kuwaas oo kala ah gudoomiyaha maxkamada sare yuusuf ismaaciil cali wasiir.kuxigeenka wasaarada gaashaandhiga cabdi daahir camuud iyo agaasimaha guud ee arimaha dibada maxamed xasan siciid waxaanu u aragnaa arintaasi inay tahay ta maant keentay in la soo adeegsado masuulkan wasaarada gaashaandhiga ka tirsan oo aycadahay cida ka dambaysa.
Anagoo xaqdhawr iyo xurmo iyo taageeroba u haynaa madaxwayne axmed maxmed siilanyo Waxaanu kaa codsanaynaa inaad talaabo sharciga waafaqsan cidkastoo ku kacda arimaha ka hor imanaya nabadgalyada iyo wada noolaanshaha bulshada,Inaad si deg deg ah dib u eegis ugu samayso saami qaybsiga beesha oo dhinac ka raran
ALLAA MAHAD LEH
ODAYAASHA IYO WAXGARADKA BEESHA AYUUB
JILIBKA HABAR SICIID