Qodobo laga soo saaray Shir ka socday Balligubadle

Balli-gubadle(Berberanews):- Shirkii Beelaha Arab afartii maalmood ee u dambeeyay uga socday magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd, ayaa gelinkii dambe ee Jimcaha maanta la soo gabagabeeyay, waxaana Shirkaas laga soo saaray toddoba qodob.

Go’aanka Shirkaas ka soo baxay ee toddobada qodob ka koobani waxa uu u dhignaa sidan:-  JamhuuriyadaSomaliland   Republic of Somaliland 

Shir Gudooka Shirweynaha Beelaha Arab eeAfgarad3

             Taariikh 13/06/2014

Go’aamadii Ka Soo Baxay Shirkii Beelaha Arab

Sulaadiinta, Siyaasiyiinta, Culimaa u diinka, Cuqaasha, Waxgaradka, haweenka dhalinyarada, Saxaafada iyo dhamaanba ka soo qayb galeyaasha shirkii Beelaha Arab ee afartii maalmood ee ugu dambeeyay ka socday Magaalada Baligubadle oo maanta aynu u  fadhino gabogabadiisii.

Shirka Beelaha Arab ee Ka Qabsoomay Magaaladda Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd, Waxa laga soo saaray Qodobada hoos ku qoran:

 1-     In jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay Lama taabtaan

 2-     In Beelaha Arab ay Kula noolaadaan hab nabad galyo Beelaha ay Ood wadaagta yihiin.

3-     In Beelaha Arab ay nabad galyada ilaaliyaan meel kasta oo Beeshu degto.

 4-     In Beelaha Arab ay tix geliyaan is dhex galka Bulshada iyo wada noolaanshaha guud.

 5-     In Gudida Guud ee Shirkii Beelaha Arab lagu magacaabay oo ah Gudi horumarineed ay ahaan doonto mid la shaqaysa Madax dhaqameedka iyo Xubnaha Dawlada kaga jira.

 6-     In xidhiidh joogto ah Beelaha Arab ka yeeshaan xaaladaha ka jira deegaamada ay Beelaha Arab degaan.

 7-     Waxa Shirweynaha Beealaha Arab go,aamiyey in wadada Hargeysa ilaa Baligubadle sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro.  Illaahay talada ha ina waafajiyo.”