Xukuumadda Oo Mashruuca Waji Ku Macaash Iyo Qaab Beelaysan Taageero Ugu Raadinaysa Musharaxnimadda Madaxweyne Siilaanyo  

Hargeysa (Berbera) Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamedd  Siilaanyo ayaa bilaabay olole ay Dhaqaale ku siinayaan Odayaal dhaaqameeyadd si ay Taageero ugu  muujiyaan Musharaxnimadda Madaxweyne Siilaanyo hore u soo dhex-marsadday Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).
 
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa shaahaddaha Telefishanka ku hadla afka Xukuumadda iyo Warbaahinta kale ee afkaar ahaan u adeegta Xukuumadda laga dheehanahay warar iyo Barnaamijyo Waji ku macaasha ah oo Xubno Madaxdhaqameed ah oo sheegay inay ku hadlayaan afka Beelo ka soo jeedda Somaliland inay taageersan-yihiin Musharaxnimadda Madaxweyne Siilaanyo.
 
Waxa kale oo Tibaaxuhun intaas ku darayaan in Odayaal Dhaqameedkan ay dhaqaale ka helayaan Xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda , kuwaas oo Hogaamiyaal Dhaqameedkan shuruuddo kula galaya sidii ay Hotelada iyo Goobaha kale ee lagu Falaanqeeyo Arrimaha Siyaasada ay ku soo ban-dhigaan inay  Bulshadda ay Hogaamiye dhaqameeyadda u yihiin ay Taageerto Musharaxnimada mar kale Madaxweynuhu ugu taagan-yahay Madaxtinimadda Dalka.
 
 
Mashruucan waji ku macaash ayaa ah mid Dhaqaalaha lagu siiyo Xubno Madaxdhaqameed ah si ay Warbaahinta ula hor-yimaaddan Qorshe ah inay taageerasan-yihiin Masuulka ama Xukuumadda  jirta, waxaana Barnaamijkan aasaaskiisa sal-dhigtay Xukuumadda Madaxweyne Daahir  Rayaale Kaahin.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa