Dawladda Ingiriiska Oo Xidhay Qunsuliyaddii Uu Ku Lahayd Magaaladda Mombasa Ee Dalka Kenya

Hargeysa (Berbera news) Dowladda Britain ayaa xidhay qunsuliyaddii ay ku lahayd magaalada Mombasa ee Kenya, kaddib markii ay sheegeen inay kordheen rabshadaha iyo falalka argagaxiso eek a dhacaya halkaas.
Magaalada Mombasa ayaa waxaa dhawaanahan ka dhacayay dilal qorsheysan oo qaarkood lagu qaarijiyay wadaaddo muslimiin ah oo si aad ah looga yaqaanno dalkaas.
“Isbedelkii aan ku sameynay safarada maalintii Arbacada ahayd waxaan iminkana go’aan ku gaarnay inaan xirno qunsuliyaddii aan ku lahayn magaalada Mombasa ee dalka Kenya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay so osaartay wasaaradda arrimaha dibadda Britain.
Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri in dowladda Britain uu saaran yahay waajib ah inay muwaadiniinteeda ku wargeliso inay ka digtoonaadaan hanjabaada dhinaca amniga ah ee lagu carqaladeynayo danaha reer galbeedka ee dalka Kenya.
 
Mombasa oo ahayd magaalo ay tegi jireen dalxiisayaasha reer galbeedka ah ayaa aad u yaraaday waayadii dambe, kaddib markii kooxo taageersan Al-shabaab ay ka geysteen qaraxyo iyo dilal lagu beegsanayo dadka aan muslimka ahayn.
Xukuumadda Ingiriiska ayaa horay muwaadiniinteeda ugu wargelisay inaysan safar u aadin deegaannada xeebaha ku yaalla ee dalka Kenya, halkaasoo ay sheegtay in ay kusoo kordhayaan khataraha ka dhanka ah ammaanka.
Go’aanka dowladda Britain ay ku xirtay qunsuliyaddii ay ku lahayd Mombasa ayaa kusoo beegmaysa iyadoo sidoo kale ay ka digeen in Al-shabaab ay qaraxyo ka geysato dalka Jabuuti oo bishii hore ay ka dhaceen laba qarax oo khasaare badan geystay.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa