Xukuumadda Oo Mar Kalle Xabsiga U Taxaabtay Guddoomiyihii Wargeyska Haatuf

Hargeysa (Berbera news) Ciiddamo Boolis ay ahaa goor-dhaweyd Xisbiga u taxaabay Guddoomiyihii Haatuf Media Network Yuusuf Cabdi Gaboobe, kaas oo la sheegay in kulan la yeelanayay Qareenaddii u doodayay.
 
Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa dhawaan Damiin ahaan looga soo dayay Xabsiga Magaaladda Gabiley, balse Tifafatiraha Wargeyska Axmed Cali Cigge iyo Guddoomiyaha ayaa mar ay Warbaahinta la hadleen laba Todobaad ka hor waxay sheegeen in Dacwadda loo haysto aanay ka qayb-galayn ilaa ay helaan Maxkamadda Cadaaladda ah iyo in Dacwadoodda loo maro Xeerka Saxaafadda.
Wargeyska Haatuf ayaa ilaa hadda Xayiran, kaas oo baahiyay warar uu ku sheegay in Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale uu muddadii uu xilka hayay uu ku kacay fadeexaddo Musuq-maasuq iyo weliba Wiil Madaxweyne Siilaanyo Sodog u yahay oo lagu magacaabo Baashe Cawil Xaaji Cumar, kaas oo wararka uu Wargeysku baahiyay uu ku sheegay inuu leeyahay awood aanu Dastuurka Dalka siinin.
 
Berbera news/Hargeysa.