“Madaxweyne Siilaanyo Kama Taliyo Dalka Sidii Loo Doortay” Cali-guray

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Yuusuf (Cali Guray) ayaa Madaxaweyne Siilaanyo ku eedeeyey in aanu isagu dalka ka talinayn mudadii afarta sano ahayd ee uu Xukumaayey.
 
Mujaahid Cali Guray waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta Masuuliyiinta Xisbiga UCID ay shir jaraa’id ku qabteen Xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Marka laysku soo wada duubo waxaan odhanayaa Somaliland waa besteed,waxaana ay u baahan tahay in laga badbaadiyo Madaxweynaheedii ay iyadu gacmaheeda ku dooratay ee ay sida dimuqraadiga ah ay u dooratay ee nasiib darro in maalin kaliya oo afartaa sano ee Xilka ay u doorteen ee uu hayey aanu ka talin dalka oo aanu isagu madaxweyne dalka ka ahayn oo awoodihii dastuuriga ahaa ee uu isagu lahaa ay dumar iyo inamo yar yar oo uu adeer u yahay iyo ku uu sodog u yahay ay ku takri falayaan”
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga UCID oo Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:”Maantadan lafteeda ma Xukummo dalka,waanan aqaanaa oo waxan lasamaynaayo masamaynaayo isagu oo kama imanayso,laakiin waxaa weeye Madaxweyne kama taliyo dalka,hada ayaan idiin ku celinayaa ninkaasi sidii loo doortay dalkan kamuu talinayn dalkana somaliland ma qaadi karto wax ka badan afar sanadood oo bilaa madaxweyne ah”
gurey-300x223
Berbera news/Hargeysa