Madaxweyne Silaanyo oo bartiisa Twitter kaga hadlay tallaabada Ciidanka Qaranka Somalilandku gaadheen Talleex

Hargeysa(Berberanews):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay tallaabada ay Ciidammada Qaranku ugu ruqaansadeen deegaannada Xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Soomaaliya, isaga oo Madaxweynuhu meesha ka saaray in wax xuduud ahi ka dhexeeyo Maamul-goboleedka Puntland, maaddaama oo uu yahay Ismaamul-gobol oo waddankaas ka tirsan.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa Twitter shalay, kaasoo uu sheegay in Ciidanka Qaranka Somaliland ay ilaalin doonaan Xuduudka cayiman ee ay wadaagaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Qoraalka Madaxweyne Siilanyo ayaa u dhignaa, “Jamhuuriyadda Somaliland waxay leedahay xuduudo cayiman. Ciidanka qarankuna waxay ilaalin doonaan xuduudaha dalkiisu la wadaago dalka Soomaaliya.”

Qoraalka Madaxweyne Siilanyo ayaa meesha ka saaraya in xuduud Somaliland la wadaagto maamul goboleedka Puntland, isla markaana jawaab u noqonaya war shalay safiirada Maraykanka, Ingiriiska iyo wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ku sheegeen in Somaliland iyo Puntland wada xaajood ku dhameeyaan khilaafka u dhexeeya.

READ MORE