“Waxaan Dahabshiil Ka Raaligalinayaa, Hadal Gaf Ah Oo Ka Soo Yeedhay Xubin Ka Tirsan Xubnaha Qurba-Jooga Xisbiga KULMIYE” Muuse Biixi

Hargeysa (Berbera news) Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE Muj:Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay hadal dhawaan uu Oday ka tirsan Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE uu ku duray Shirkada Ganacsiga ah ee Dahabshiil Group,waxana uu gudoomiyahu uu sheegay in arintaasi uu raali galin uu ka bixinaayo sidaas darteedna aanay marnaba ogalayn in shirkada Dahabshiil iyo Shirkadaha kalaba wax laga sheego maadaama aynu leenahay ganacsi Xor ah kaasi oo u adeega Bulshada reer Somaliland.
 
 
War-saxaafadeed uu soo saaray Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa u dhignaa sidan:-
Ujeeddo; RAALIGALIN
 
Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Md, Muuse Biixi Cabdi wuxuu ka raaligalinayaa shirkada Dahab-shiil hadal gaf ah oo ka soo yeedhay xubin ka tirsan xubnaha qurba jooga xisbiga kulmiye.
Dahabshiil wuxuu ka mid yahay shirkadaha safka hore kaga jira u adeegista bulshada, u samafalka shacabka iyo gurmadka hawlaha qaranka,
 
Sidaa daraadeed Dahabshiil iyo shirkadaha kalaba ma gayaan in lagu yidhaa waxaan qabanin.
Sida Dastuurkeenu qorayo waxaynu leenahay ganacsi xor ah, oo dalka oo dhan u adeega.
Mar kale waxaanu kaa raaligalinaynaa guud ahaan ganacsatada wixii duulduul ka soo gaadha hadalada siyaasada.
 
 
 
 
 
 
ALLAH MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye