“Difaac Qaran Ee Dalkeena Ayaynu Ka Midaysanahay, Dawladdina Inagu Amri-mayso In Aynu Dalkeena Ka Baxno” Guddoomiyaha KULMIYE

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xuddaha Somaliland ay yihiin kuwo sugan, waxaanu Shacabka u soo jeediyay inay ka qayb-qaataan difaaca Dalka.
 
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu sidaasi ku sheegay kulan ay maanta Xarunta Madaxtooyadda ku yeesheen Madaxweyne Siilaanyo, Saddexdda Xisbi iyo Shirguddoonka Baarlamaanka.
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta shirkani waxa uu ahaa shir qaran oo lagu difaacayey qaranka oo lagu soo duulay Shicib,Xukuumadd iyo Axsaab dhamaanteenba waxaa inagu waajib ah in aynu dalka difaacno”
 
Waxa uu intaas ku daray “Madaxweynuhuna inagu hoggamiyo,waa maalintii la midoobayey wixii kale oo dhana halkan ayaa la dhigayaa maanta difaac qaran ayeynu ka midaysanahay madaxweyne Xisbiyo shacaba waanu kugu daba taaganahay nagu hogaami sida dalka lagu difaacayo cidna uga habadaysan mayno dawladina inagu amri mayso in aan dalkeena ka baxno” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.
Daawo: Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Ku Baaqay In Danta Qaranka Meel Looga Soo Wadda-jeesto
 
 
Berbera news/Hargeysa.