“Ma Ogolaanayno Fara-gelin Siyaasadeedd Iyo Mid Dibaddeedd……..” Madaxweyne Siilanyo

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in Mawqifka ay Somaliland ka taagan-tahay difaaca qaranimadda iyo sugidda xuduuddaha ay yihiin kuwo ay Xisbiyadda Mucaaridka, Baarlamaanka iyo Shacabku ay ka midaysan-yihiin.
 
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidaasi ku sheegay kulan uu maanta xarunta Madaxtooyadda uu kula yeeshay Masuuliyiinta saddexdda Xisbi qaran iyo Shirguddoonka, ayaa waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay baaqii ay Beesha Caalamku ku dalbatay inay Somaliland Ciidamadeedda ay kala baxdo degmadda Taleex oo Todobaadkii hore Ciidamadda Qaranku la wareegeen.
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Dhamaanba Madaxdii qaranka Somaliland Xaalada dalkeena ka taagan aanu ognahay Ciidamadee-na Qaranka iyo mawqifka ay qaateen iyo guulaha ay soo hooyeen iyagana aan hambalyo balaadhan aan u diro oo sidaasi aynu sheegnay aanu marwalba u cadaynayno dalkeena iyo dadka kaleba in aan mawqifkayaga la fahmi waayin in aanu dalkayaga daafacaadiisa aanan cidna ku xadgud bayn ,cidna wax ugaysanayn,Ixtiraam iyo qadarina aanu u hayno dadka iyo Umaha jaarka ah intaba laakiin anan uga tanaasulayn qadiyada Somaliland iyo Difaaca dalkayaga Somaliland-ba” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo
 
Madaxweynuhu waxa uu jawaab ka bixiyay baaqii ay Beesha Caalamku Somaliland kaga dalbatay inay Ciidamaddee aykala baxdo Degmadda Taleex, waxaanu yidhi “Beesha Caalamka iyo cid kasta oo danaynaysaba,waxaa jirta in Somaliland hore ay u cadaysay Mawqifkeeda nabad ku wada noolaanshiyaha iyo daganaanshaha Mandaqada,Aaminsan nahayna in Cid walba ay dani ugu jirto,waxaan se aan kor iyo hoos-ba aan u sheegayaa in qadiyada Somaliland ay lama taabtaan tahay dawlad,Xisbiyo iyo Baarlamaan-ba in aanu heegan aanu u nahay Adkaynta nabad-gelyada iyo Sugida Nabad-gelyada Somaliland,Wadamada aanu dariska nahay iyo Beesha Caalamkaba waxaanu jecel nahay in aan nabad ku wada noolaano Mana ogalin faragalin dibadeed,mid Siyaasadeed-ba iyo mid Milatari too-na dhulkayaga iyo dadkayaga qalad ku ah”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
 
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu hambalyo u diray Ciidamdda Qaranka, waxaanu yidhi “Shacbiga reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay usoo jeestaan oo ay u midoobaan difaaca dalka iyo adkaynta nabad galyada”.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa